Ra’iisulwasaare Xamse: Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa Shacabka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay falkii bahalnimo ee kooxaha Khawaarijta ah ku xasuuqeen xalay shacab Soomaaliyeed oo ku fiidsanayay xeebta Liido, inuu yahay mid ka baxsan diinta iyo dhaqanka suubban, oo lagu dabargoynayo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

“Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxa, kuwaas oo u baahan in wadajir loogu istaago gurmadkooda.

Mudane Xamsa ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaasi arxan darrada ahaa, isaga oo Alle uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo intii ku dhaawacmay qaraxa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...