Xaaladda Bariga Dhexe oo sii xumaaneysa iyo Mareykanka oo diraya ciidamo dheeraad ah

Date:

Xafiiska Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in milatariga Maraykanku uu gobolka geyn doono dagaalyahanno iyo maraakiib dagaal oo dheeraad ah, iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo in Iiraan ay ka aargoosato Israaโ€™iil ,kadib dilkii Tehran loogu geystay madaxii siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh.

Hadaladaan ayaa soo baxaya xilli saddex carruur ah, qof dumar ah iyo oday waayeel ah lagu dilay duqeyn ay Israaโ€™iil ka geysatay magaalada Gaza, sida uu sheegay difaaca rayidka ee Falastiin.

Dhinaca kale,Kumanaan kun oo baroordiiqayaal ah ayaa isugu soo baxay guud ahaan deegaanada Bariga Dhexe,gaar ahaan Lubnaan, Yemen iyo Urdun si ay u xusaan Haniyeh ka dib markii lagu aasay Qatar.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ku dhawaad โ€‹โ€‹saddex-meelood laba meel dhammaan dhismayaasha Marinka Qaza oo ah in ka badan 151,000 oo dhisme ay ku waxyeeloobeen ama ku burbureen weerarrada Israaโ€™iil tan iyo 7-dii Oktoobar.

Ugu yaraan 39,480 qof, oo ay ku jiraan 16,314 carruur ah, ayaa la dilay 91,128 kalena waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israaโ€™iil ee Gaza.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...