Maareeyaha Hay’adda NIRA oo la kulmay Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Hay’adaha Dalka

Date:

Maareeyaha Hay’adda NIRA, Mudane Abdiweli Timacade , ayaa kulan la qaatay Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Hay’adaha Dalka (NGOs Consortium), Mudane Cabdulqaaddir Maxamed Axmed. Maareeyaha ayaa warbixin kooban ka bixiyay dadaallada ay Hay’addu ugu jirto dardargelinta diiwaangelinta dadweynaha, taas oo udub-dhexaad u ah dib u soo kabashada dowladnimadda Soomaaliyeed. Guddoomiye Cabdulqaaddir ayaa dhankiisa ka warbixiyay sida hannaanka aqoonsiga qaranku muhiim ugu yahay dadaallada gargaarka bini’aadannimo ee ay ku hawlan yihiin.

Labada dhinac ayaa isla meel dhigay sidii la isaga kaashan lahaa dardargelinta diiwaangelinta dadka baahida u qaba gargaarka bini’aadannimo, si ay u noqdaan kuwo la aqoonsan yahay oo qayb ka ah Nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyada oo la isla qaatay in lasii wado dadaalada ku aaddan sidii loo heli lahaa hannaan wada-shaqayn iyo iskaashi oo ku aaddan diiwaangelinta dadka gargaarka bini’aadannimo u baahan ee ku dhaqan gobollada dalka, sida barakacayaasha ay saameeyeen dagaallada, fataahadaha iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...