Taliyaasha Booliska iyo Militariga oo ka qeybgalay furitaanka tababar ku saabsan Isgaarsiinta

Date:

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Sulub Axmed Firiin, ayaa maanta si wadajir ah u furay tababar ku saabsan Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.

Tababarkaan oo ay ka qeyb gelayaan Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Booliiska, ayaa mudada uu socdo waxaa lagu baran doonaa Isgaarsiinta casriga ah iyo Teknoolojiyadda.

Aqoon kororsigaan maanta ka furmay xeradda ciidamadda ee Xalane waxaa gacan ka geeysanaya xafiiska Qaramadda Midoobey u qaabilsan taageerada Soomaaliya ee UNSOS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...