Ra’iisul Wasaare Xamse oo tacsiyeeyey Geerida Sheekh Cismaan Xiddig

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka, ardeydii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee, Caalimkii weynaa Shiikh Cismaan Shiikh Cumar Shiikh Daauud (Cismaan Xiddig) oo ku geeriyooday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Shiikh Cismaan Xiddig inuu ahaa caalim wayn oo soo saaray mashaa’iikh badan oo dadka Soomaaliyeed wax taray, wakhtigiisana u huray sidii kor loogu qaadi lahaa barashada Diinteenna Suubban.

Mudane Xamsa ayaa Alle uga baryay Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyska, ardayda uu diinta bari jiray iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan naga wada siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay safiirka Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa...

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...