Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ka tacsiyadeeyay Geerida Sheekh Cismaan Xiddig

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xiddig) oo Magaaladda Muqdisho ku geeriyooday.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, ayaa guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskiisa,qaraabadiisa,eheladiisa xertiisa iyo culimada Soomaaliyeed kaga tacsiyadeeyay geeridda ku timid illaahey ha u naxriistee caalimkeennii weynaa, Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xiddig).

Allaha ha u naxriistee Sheekh Cismaan Xidig ayaa ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waa weyn waxa uuna intii uu noolaa wakhtigiisa ugu badan geliyay fidinta cilmiga iyo faafinta diinta islaamka ,waxaana uu aqoon durugsan u lahaa tafsiirka Qu’aanka, cilmiga xadiiska, iyo fahamka fiqiga, isaga oo allifay kutubo marjic u ah culimada iyo ardayda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Alle SWT uga baryay inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo dhamaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...