Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay Gobalka Gado

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Booliiska, ayaa howlgal lagu baacsanayo Khawaarijta ka sameeyay inta u dhexeeysa degaanka Shaataloow iyo degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Howlgalka inta uu socday ayay ciidanka waxeey jab xoogan gaarsiiyeen maleeshiyaadki Khawaarijta ee dhuumaaleeysanayay halkaas.

Ciidamadda ayaa waxaa hogaaminayay Abaanduulaha Qeybta 43aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, Gashaanle sare Cabdirashiid Maxamed Cismaan, Taliyaha Guutada 10aad qeybta 43aad ee Gobolka Gedo, Gashaanle dhaxe Aadan Siyaad Cabdi, Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Gobolka, Gashaanle sare are Xuseen Cali Xaashi Giif.

Sidookale Ciidamadda, ayaa hormar balaaran ka sameeyay dagaalka ay la galeen Khawaarijta  waxayna cagtamariyeen fariisimo ay lahayeen kooxda argagixisada ee halkaasi ku dhuumaaleeysanayay oo uu gaaray  gaaray khasaaro xoogan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum C/raxmaan Yacquub

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed oo Maalintii labaad ka socda Muqdisho

Waxaa maalintii labaad Magaalada Muqdisho ka socda Shirweynaha Bahda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Pakistan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...