Hay’adda SoDMA oo waddo dhismaha Xarun loogu talagalay deryeelka dhaawacyada

Date:

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka Qaranka ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha xarunta cusub ee daryeelka dhaawacyada u baahan gargaarka deg-dega ah oo haatan dhismaheedu marayo heer gabagabo ah, taas oo lagu dhisayo dhaqaale ay iska aruuriyeen Shacabka Soomaaliyeed.

Xaruntaan oo ay hirgalinayso SoDMA, ayaa laga dhex dhisayaa gudaha isbitaalka weyn ee Madiina, waxana guddoomiyuhu uu kormeeray qaybaha kala duwan ee dhismaha xaruntan, isagoo shahaado sharaf guddoonsiiyay agaasimaha Isbitaalka Dr Maxamed Cabdiraxmaan iyo shaqaalaha isbitaalka, taasoo ay ku muteysteen sida ay ugu adeegaan bulshada.

Guddoomiyaha ha’adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in wada-shaqeyn dhaw ay ka dhaxeyso SoDMA iyo maamulka Isbitaal Madiina, marka ay timaaddo xaaladaha gurmadka deg degga ah, isagoo ku aammanay sida ay marwalba ugu adeegaan ummada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...