Xildhibaan Maxamed Islow: “Waa in ay noo kala soocnaato naceybka mas’uulka xilka haya iyo Qaranimada”

Date:

Wasiirkii hore amniga Gudaha Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado fariimaha dhiirri gelinta u ah kooxaha Khawaarijta oo hadda ku jira waqti gabo-gabo ah.

“Walaalayaalow waa in ay noo kala soocnaato naceybka mas’uulka xilka haya iyo Qaranimada, micnaha adigoo Madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha ku xumeynaya, yeysan mucaaradnimadu kula gelin in aad caddowga Khawaarijta la safato adigoo is leh dowladda joogta ku ceebeey, Qaranadimada ha dhaafsan inuu dal caddow ah qorshihiisa kuu soo dhiibo” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Factbook-ga.

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa kula taliyay dadka farriimaha dhiiri gelinta u ah khawaarijta in ay jiraan waddooyin kale oo qofka ku sheegi karo aragtidiisa.

“Waxaa jira wax badan oo aad ku mucaaradi karto madaxda dowladda oo aan ahayn in aan cadowga umaddan isu dhiibno, Xildhibaannada waxaan ugu naseexeynayaa in aan ku dhex shaqeynayno sharciyadda Baarlamaanka, dowladnimada ayaa ka weyn dan kasta oo gaar ah” ayuu Mudane Ducaale ku soo gabagabeeyey qoraalkiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaqeysa shacabka Soomaaliyeed ayaa khawaarijta ku qaaday dagaal dhan kasta ah, taas oo keentay in awooddii ay lahaan jireen meesha ka baxday kuna jiraan hadda heer gabo-gabo ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo hawlgal qorshaysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo...

Xukunka Askari: Maxaad iisoo Fiirisay Darteed ayuu u dilay Muwaadin Muruqmaal ahaa

Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha wado cusub

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dhagax dhigay Ceelal biyood laga hirgelinayo Gobolka Bakool

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...