Saraakiil ka socotay Booiska Soomaaliya oo tababar lagu baranayay la dagaalanka Khawaarijta loogu soo xiray Masar

Date:

Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa lagu soo gebagebeeyay tababar lagu baranayay la dagaalanka Khawaarijta oo loo qabtay Saraakiil ka socotay Booliiska 36 dal oo Afrika ah oo Soomaaliya ay ku jirto.

Koorsadaan oo socotay ku dhawaad laba bilood waxaa kaalinta 1-aad ka galay Mustaf Salaad Yarow oo ka socda Booliska Soomaaliya, isagoo khudbad ka jeediyey xiritaankii koorsadaan.

” Anigoo ku hadlaayo magaceyga iyo kan saaxiibadeyda qeybta ka ah Koorsadan numbarkeedu yahay 360, kana socda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, anigoo xushmad weyn iyo mahadnaq aan la soo koobi karin u soo jeedinaayo Akadeemiyada Booliska ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar, wakaaladda horumarinta ee Masar, wasaaradda arrimaha dibadda iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, kuwaas oo na siiyay fursad aan uga qeyb qaadaneyno koorsadan tababarka ah ee la dagaalanka argagixisada,” ayuu yiri Mustaf Salaad Yarow.

Sidoo kale, Mustaf Salaad Yarow, oo hadalkiis sii wata ayaa intaas ku daray in muddada uu socday tababarkan ay fursad u heleen aqoon iyo waayo aragnimo qoto dheer oo ku quseeya qibrad wax ku ool ah ku saabsan tababarka la dagaalanka Khawaarijta, sidoo kale, is-dhaafsiga aragtida iyo habab kala duwan oo ku saabsan tababarka.

Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Akadeemiyada Booliska Masar, ku-xigeenka xoghayaha guud ee wakaaladda horumarinta Masar, maamulaha xarunta cilmi-baarista ee Booliska iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo dhammaantood ku ammaanay saraakiisha ka faa’ideystay tababarkan muhiimka ah sida ay u dhabar adeygeen muddadii uu socday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...