Wasiir Maareeye “Dadka Beeralayda ah waan inaan ka caawino,tacbashada Beeraha” 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo kulan wadahadal ah la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in u jeedka socdaalkoodu la xiriiro fulinta qorsho howleedyo ku aadan sidii loo heli lahaa wada shaqeyn dhexmarta Beeraleyda Soomaaliyeed iyo Dowlad Goboleedyada.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, ayaa sheegay in Dowladda ay ka shaqeyneyso sidii Beeraleyda ay u heli lahaayeen qalab iyo in laga saacido xagga maalgalinta iyo ka hortagga Cayayaanada ee saameynta ku yeesha nuucyada kala duwan ee dalagyada.

Socdaalkaan oo ah kii labaad ee madaxda Wasaaradda Beeraha ay ku tagaan Magaalada Baydhabo, ayaa loogu magacdaray socdaalka tacbashada Beeraha iyo la qabsiga is badalka cimilada,iyadoo horay loo soo maray deegaanka Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...