Dagaaladii ka dhacay Dagmada Luuq oo laga soo saaray Qodobo xal loogu helaayo colaada

Date:

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Faderaalka iyo maamulka Jubbalanad oo maalmahaan ku sugnaa Degmada Luuq, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsanaa xal u helidda colaadihii sokeeye ee dhexmaray bulshada ku dhaqan degmadaasi.

War saxaafadeedkaan, ayaa dhigaya in loo hoggaansamo xabad joojin shuruud la’aan ah iyo in la badbaadiyo hantida shacabkii barakacay,in laga wada qeybqaato nabadda , in dadku ay ku soo laabtaan guryahooda iyo in loo diyaargaroobo wadaxaajood ay ka qeybgalaan dhinacyadii ku dagaalamay halaasi

Wafdigii ka qeybgalay heshiisiinta bulshada ku sugan Degmada Luuq waxaa kamid ahaa Wasiir Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Xukuumaadda Federaalka Mudane Axmed Cumar Maxamed iyo Madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland.

Heshiiska nabadeed ee la dhexdhigay dadka walaalaha ah ee ku dhaqan Degmada Luuq waxaa kaloo ka qeybgalay maamulka Degmada Luuq, Saraakiisha Ciidamada,Odayaal dhaqameedyo iyo wax garad kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aaddan fududeynta adeegga Kaarka Aqoonsiga oo Muqdisho lagu qabtay

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo...

Duqeyn ka dhacday Shabeelaha hoose oo Khawaarijta lagu laayey

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda FS ayaa...

Madaxweynaha Soomaaliya oo Xariga ka Jaray Xaruunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo si heer sare ah loo dhisay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha oo si rasmi ah u xarig jaraya dib u howlgelinta xarunta dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya mudane Dr. Xasan...