Madaxweynaha JFS oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Qaran ee ka hortagga Maalgelinta Argagixisada

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyay Shirka Guddiga Qaran La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada oo ku qabsoomay Xafiiska Amniga Qaranka ee Xarunta Madaxtooyada.

Guddiga ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray xakamaynta ilaha dhaqaale ee Khawaarijta iyo qorsheyaasha cusub ee lagu wajahayo xeeladaha dhaqaale abuurka Argagixisada, iyaga oo soo bandhigay Shaqsiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu soo rogayo cuna-qabatayn dhaqaale.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dul istaagay muhiimadda dagaalka ka dhanka ah dhaqaalaha Argagixisadu u leeyahay ciribtirka Khawaarijta iyo nabad kusoo dabaalidda dalka, isaga oo faray mas’ulliyinta ku mideysan guddigan in la dar dar geliyo qorsheyaasha burburinta ilaha dhaqaale ee Khawaarijta iyo ciribtirka khataraha maaliyadeed ee dalka, gaar ahaan lacag dhaqidda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...