Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay waddo laami ah oo laga hirgelinaayo Degmada Daarusalaamย 

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa dhagax dhigay waddo Laami ah oo laga hirgelinaayo Degmada Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa boogaadiyay iskaashiga ka dhaxeeya Bulshada, Ganacsatada iyo Maamulka Degmada ee lagu horumarinaayo Kaabayaasha isku socodka waddooyinka, asigoona xusay in Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar loogu gol leeyahay in Bulshada ay iyadu isku tashato isla markaana ay qeyb ka noqdaan horumarka dalka.

Munaasabadda dhagaxdhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud, Madax ka socotay Salaam Bank oo iyagu gacan ka geysanaya dhismaha wadadaan iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Daarusalaam.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirkadda Diyaaradaha ee Soomaali Airlines oo dib loo bilaabayo

Dawlada Federaalka si rasmi ah ayay dib u soo...

Madaxweynaha oo kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Caddow ee magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...