Hishiis Wadada shaqeyn ah oo ay kala saxiixdeen Warbaahinnada Qaranka Soomaaliya iyo Jabuuti 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Boostada ee Jamhuuriyadda Jabuuti.Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda saxiixa Iskaashiga, wadashaqeynta iyo mataaneynta Warbaahinnada Qaranka ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Jabuuti waxaa khudbado ka jeediyey labada Wasiir ayadoo ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac uu tilmaamay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo si rasmi ah loo mataaneeynayo Warbaahinta Qaranka labada Dowladood, isla markaana ay iskaashi wada shaqeyneed rasmi u yeelan doonaan .

Dhinaciisa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, ayaa soo dhaweyn kadib waxa uu tilmaamay in dhankooda ay diyaar u yihiin fulinta Iskaashigan iyo iney khibrad is dhaafsi iyo wadashaqeyn la yeeshaan walaalahooda Soomaaliyeed, isagoo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya uga mahadceliyay wada shaqeyntiisa.

Iskaashigan shaqo ee ay maanta ku kala saxiixdeen magaalada Jabuuti Warbaahinnada Qaranka labada dal, Waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdifataax Daahir Jayte, halka uu Jabuuti uu u Saxiixay Agaasimaha Guud ee Raadiyaha iyo Telefishinka Jabuuti Aadan Cabdi Jaamac.

Munaasabadda waxaa sidoo kale Goobjoog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti, Mudane Salaad Cali Jeelle, iyo Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Rashiid.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti, ayaa kormeeray Xarunta Raadiyaha iyo Telefishinka Jabuuti ee RTD halkaasi oo loogu sharaxay sida ay u shaqeeyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada Waxbarashada XFS oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Paris

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax...

Ciidamada Qaranka iyo kuwa degaanka oo saakay weerar ku qaaday firxadka khawaarijta aagga deegaanka Ceelhareeri

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi),...

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...