Qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Kalluumeysiga oo tababar uga furmay Shiinaha

Date:

Agaasimaha waaxda shaqaalaha ee Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya Marwo,Ikraan Maxamed Cabdullaahi oo madasha ka hadashay, ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin tababarkaan qiimaha badan,islamarkaana ka faa’ideysan doonaan qibradda iyo waayo-aragnimada Dowladda Shiinaha ee xagga Kheyraadka Biyaha.

Ms. Lin Huifang, ku xigeenka Agaasimaha guud ee FECC, oo sharaxday ujeedooyinka tababarkan, ayaa hoosta ka xariiqay inuu daaran yahay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa ka faa’ideysiga Kheyraadka Badda sida Kalluumeysiga, wuxuuna howlwadeenadda tababarka loo furay kula dardaarmay in ay ka faa’ideystaan tababarkan, islamarkaana wixii wanaagsan ay u gudbiyaan shacabka ay wakiilka ka yihiin.

Ugu dambeyn, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjie Cali Cawaale Kullane, ayaa muujiyay doorka muhiimka ah ee kalluumeysiga Soomaaliya iyo suurtagalnimada in la wanaajiyo iskaashiga Shiinaha iyo Soomaaliya, waxaana tababarkan uu socon doonaa 10-ka Luulyo ilaa 30-ka Luulyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...