Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyey furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka JFS

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa uu ka hadlay waxyaabihii Baarlamaanka u qabsoomay kalfadhigii afaraad Iyo shuruucda u qorsheysan ka shaqeyntooda kalfadhiga shanaad ee maanta furmay.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliyeed kalfadhigii lasoo dhaafay uu ka shaqeeyay shuruuc muhiim u ah horumarka dowladnimo ee dalka, waxaana uu tilmaamay in shuruucdaas dhamaantood ay ahaayeen kuwo shacabka Soomaaliyeed indhaha ku haayeen maadaamaa ay dowladnimadeena muhiim u ahaayeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha Golaha Shacabka u qorsheysan kalfadhiga shanaad ay ka mid yihiin xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.

Dhinaca kale waxa uu Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka dalka ku amaanay garab istaaga ay u muujiyeen ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed Iyo dadka oo iska kaashanaya dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaariijta.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xubnaha Baarlamaanka labadiisa aqal kula dardaarmay in ay kalfadhigan xooga saaraan ka shaqeynta shuruucda muhiimkau ah horumarka dowladnimo ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...