Masoud Pezeshkian oo ku guuleystay xilka madaxtinimo ee Iran

Date:

Masoud Pezeshkian ayaa ku guuleystay doorashadii ku celiska ahayd ee loo dareeray maalinimadii shalay sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dalka Iran.

Pezeshkian ayaa helay 53.7 boqolkiiba codadka oo u dhigma 16.3m, halka Saciid Jalili oo la tartamaayey uu helay 44.3 boqolkiiba oo u dhigma 13.5m.

Madaxweynaha cusub oo doorashadiisa kadib ka hadlay taleefishinka dowladda ayaa yiri “Waxaan u fidin doonnaa gacan saaxiibtinimo qof walba,waxaan nahay dhammaan dadka dalkaan,waa inaan qof walba u adeegsanaa horumarka dalka”.

Tartanka doorashada ayaa ahaa mid aad u adag oo u dhexeeyay Pezeshkian oo aaminsanaa in Iran uu u furfuro caalamka,halka ninkii laga adkaaday ee Jaliil uu qabay in la xoojiyo xidhiidhka Iran. Ruushka iyo Shiinaha.

Taageerayaasha Pezeshkian ayaa isugu soo baxay waddooyinka Tehraan iyo magaalooyinka kale ka hor waaberigii saaka si ay u dabaaldegaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...