Dood ku saabsan sida loo mareeyn karo cudurka macaanka oo lagu qabtay xalay Muqdisho 

Date:

Qaar kamid ah dhaqaatiirta iyo xeel-dheerayaal Caafimaad,ayaa xalay Magalada Muqdisho ku qabtay dood wadaag ku saabsaneyd maaraynta dhibaatooyinka ka dhasha cudurka macaqanka ee loo yaqaanno Sonkorta.

Dood wadaagaan oo ay ka qeybgaleen aqoonyahanno iyo marti sharaf kale waxaa looga hadlay qaabka loo maareyn karo cudurka iyo Kor u  qaadidda Mooralka bukaanada ,iyadoo la adeegsanaayo daawooyin casri ah.

Dood cilmiyeedkaan oo ay soo qabanqaabisay xarunta farma Solution,waxaa la isku tusay daaweynta cudurka macaanka iyo saameynta uu ku yeesho xubno muhiim u ah jirka aadanaha sida wadnaha ,kelyaha,indhaha,maskaxda iyo kuwo kale.

Dood cilmiyeedkaan waxaa mudadii uu socday ka hadlay Dr.Cabdirashiid Fadal , Dr.Cabdiraxmaan Dhiblaawe iyo Agaasimaha Farma Solution Shaafici Cabdullaahi.Waxaana halkaas leesku dhaafsaday tallooyin wax ka taraayo canuunkar macaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...