Madaxweyne Xasan Sheekh :Waxaan dhiseynaa Maktabad Qaran oo lagu xusuusa doono Prof. Jawaari, wasiirka waxbarashada ayaa arintaas u xil-saaran

Date:

-Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa ballan qaaday in Maktabad Qaran loo dhisayo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari oo ku geeriyooday Muqdisho.

“Waxaan dhiseynaa Maktabad Qaran oo lagu xusuusa doono Prof. Jawaari, wasiirka waxbarashada ayaa arintaas u xil-saaran, waa uu joogaa caawa, waxaana farayaa inuu dhulkii keeno, waa dhiseynaa, hadii guri dhisan la helana kaba sii fiican.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha oo ka qeyb galay Munaasabad lagu xusay Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya AUN Aadan Cadde ayaa intaa hadalkiisa ku daray ahmiyadda ay leedahay weyneyta dadka shaqada fiican u soo qabtay dalka in la helo meel lagu xuso magacyadooda si aysan u lumin.

“Qofkii garoonka Aadan Cadde ka soo dega wuxuu dhahaa magacaan muxuu ahaa? Si lamid ah qofkii Buug ka iibsaday Maktabadda Jawaari waa inuu dhahaa magacaan muxuu ahaa, si loo baro halyeygaas abaalka gashaday umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....