Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka qayb galay aaska qaran ee guddoomiye jawaare

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan madaxda kale ee Qaranka ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door taariikhi ah ka soo qaatay dowlad-dhiska, horumarinta dalka iyo dhismaha hayโ€™adaha dowladeed ee Soomaaliya, isaga oo masโ€™uuliyado kala duwan ugu soo adeegay dalkiisa isla markaana ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska dowladnimadeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen madasha janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa.

Salaadda Janaasada Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa ka qayb galay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Raโ€™iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka,l iyo masโ€™uuliyiin kale.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka qayb galay shirka EAC

Madaxwweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

QM oo ku baaqaysa โ€˜la dagaallanka Tacadiyada Haweenka iyo Ilaalinta Xuquuqda Carruurtaโ€™

Xafiiska ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee...

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo Khawaarijta ka dhan ah ka wado deegaanno hoostaga Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgallo lagu baacsanayo maleeshiyaadka...