Tababar ku saabsan doorka haweenka ee Warbaahinta Digitalka ah oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Date:

Tababbarkaan oo ay soo qaban-qaabisay Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda Qurbajoogta iyo Dhiirrigelinta Maalgashiga Dowlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, iyada oo ay soo isku soo daba riday Shabakadda Horumarinta Haweenka Warbaahinta ee Galmudug (Galwomen).

Aqoon kororsigaan waxaa qaar kamid ah haweenka Warbaahinta ka howlgala lagu barayay hannaanka loo adeegsado Warbaahinta casriga ah iyo Kordhinta xirfaddooda ku aaddan adeegsiga baraha bulshada iyo mareegaha kale ee internet-ka.

Agaasimaha Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda Qurbajoogta iyo Dhiirrigelinta Maalgashiga Dowlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya Mudane Yaxye Xaaji Colaad oo tababbarka furay ayaa waxaa uu ka qayb-galayaasha la wadaagay talooyin muhiim ah oo ka qayb-qaadanaya fududaynta howlahooda Warbaahinta.

Agaasimaha ayaa sidoo kale waxaa uu qeyb ka ahaa bixinta tababbarka asiga oo u sheegay dhallinyarada inay sifiican uga faa’iidstaan,Internet ay heestaa.Dhallinyarada fursadda u helay ka faa’iidaysiga aqoon-kororsigan ayaa dhankooda ka mahad-celiyay waxa ayna sheegeen inay wax badan ka faa’iideen uuna ahaa tababbarkii ugu horreeyay nuuciisa ee loo qabto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...