Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay hindisayaasha iskaashiga Kuxigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM

Date:

-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Kuxigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Iskuduwaha Arrimaha Bani’aadannimada, Mudane George Conway, oo uu kala hadlay sare u qaadida iskaashiga, isuduwidda, iyo dadaalka wadajirka ah.

Kulanka ayaa lagu qaadaa-dhigay dadaalka dheeraadka ah ee Guddiyada farsamo ee labada dhinac ay muujiyeen iyo samaynta istiraatiijiyad dhammaystiran oo hagaysa qorshaha kala guurka ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) si loo unko xafiis Q.M ay ku yeelato dalka oo la mid ah kan ka dhisan dalalka kale, si loogu dhaqaaqo horukac barwaaqo leh, loogana guul keeno himillooyinka, loona gaaro horumar waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...