Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Dalka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee 2023-2024 oo sanadkan ay ka qeyb galayaan in ka badan 37,000 oo arday.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay u horumarisay habka loo qaadayo Imtixaanka oo laga dhisay mid casri ah, isaga oo xusay in waxbarashadu ay tahay mid kamid ah waxyaabaha mudnaanta u leh Xukuumadda DanQaran.

“Maanta waa maalin weyn oo la xaqiijiyey mid kamid ah himillooyinka shacabka Soomaaliyeed, waxbarashadu waa himillo weyn oo ay xukuumaddu u aragto mudnaan lamid ah amniga. Maalmaha uu imtixaanku socdo dhammaanteen waa in aan askar u noqonnaa Wasaaradda Waxbarashada oo aan kala shaqeyno sidii uu guul ugu soo dhammaan lahaa imtixaanku”

Mudane Xamsa ayaa intaas ku daray in sanadkan lagu qaadayo imtixaanka magaalooyin kala duwan oo aysan horey uga dhici jirin, taas oo xaqiijinaysa guulaha la gaaray ee fursadda u ah ardayda, waxuuna kula dardaarmay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in gacan lagu siiyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Ciidanka amniga sidii imtixaanku ugu soo dhammaan lahaa si guul ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...

Duqa Muqdisho oo Salaadda Ciidda kula tukaday Dadweynaha Degaanka Gubadley

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweyne JFS oo Salaadda Ciidda Carrafo la oogay Kumannaan Shacab ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya oo fariin culus ka jeedisay Shirka Shaqaalaha Adduunka ee Geneva

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed...