Wasiirka arrimaha Dibadda oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka cusub ee Mareykanka 

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Khamiis ah Caasimadda Muqdisho kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa yididdiilo u muujiyay Danjire Richard Riley, isaga oo u rajeeyay in uu ku guulaysto howsha diblomaasiyadeed ee cusub iyo Mas’uuliyadaha loo igmaday, waxaa uu caddeeyay muhiimadda gaarka ah ee howsha danjiraha laga sugayo inay tahay xoojinta xiriirka iyo sare u qaadidda wax wadaagga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka,iyadoo diirrada la saarayo suuragalnimada ka guul keenidda horumar wax ku ool ah oo laga gaaro dhammaan dhinacyada kala duwan ee iskaashiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...