Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan sannadeed kaga qeyb galey deegaanka ceelow

Date:

-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta deegaanka Ceeloow ee degmada Warsheekh kaga qeyb galay kulan-sanadeed uu halkaasi ku qabtay Xildhibaan Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole).

Kulanka ayaa waxaa ka qey bgalay Xildhibaano heer federaal, Xubno Isugu jira labada gole ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, Siyaasiyiin, Duubabka dhaqanka, qeybaha bulshada iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo si diirran loogu soo dhoweeyay deegaanka Ceeloow ayaa mid mid u gacan qaaday mas’uuliyiinta iyo dhaqanka ka qeyb galay kulan sanadeedka oo sanad walba bishaan oo kale ka qabsooma deegaankaan, iyadoo ay ku duceystaan bulshada halkaasi ku dhaqan iyo siyaasiyiintooda.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan sannadkan joogo kulan-sannadeedka deegaanka Ceeloow oo Soomaali oo dhan ay joogto, ducada halkan lagu duceysto waxaan rajeynayaa inuu Alle ku badbaadiyo kuna xifdiyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay bulshada Hirshabeelle in ay dhowraan midnimada iyo wadajirka bulshada sidoo kalana ay ka shaqeeyaan horumarka deegaannadooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay masiibadii 14-kii Oktoobar

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada oo sheegay in da’yartu ay yihiin furaha mustaqbalka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS, Mudane Maxamed...

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement...