Hay’adda Boqor Salmaan oo maalintii labaad qeybinayso Hilibka udxiyada 

Date:

Waxaa maalintii labaad la qaybinayaa Hilibka udixiyada ee loogu talagalay dadka Soomaaliyeed, iyadoo ay gacan ka geysanayso Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka Bani’aadantinimo, iyadoo ay wehelinayso Hay’adda Al-Maxasin foundation.

Waxaa si habsami leh uga socda Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya Howlaha qeybinta Hilibka udxiyada, iyadoo ay taasi ku timid dadaallo ay iska kaashadeen Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka Bani’aadantinimo iyo Mu’asasada Al-Maxasin Foundation.Qorshahaan bini’aadantinimo, ayaa ujeedadiisu yahay in hilib la siiyo qoysaska tabaalaysan ee ku nool gobollada dalka oo dhan Sida:Benaadir, Koonfur-galbeed Soomaaliya, iyo Hirshabeelle, iyadoo ay ka faa’iideysanayaan ku dhawaad ​​53,280 qof.

Mashruucan, ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo lagu taageerayo haqab-beelka cuntada iyo hagaajinta xaaladaha nololeed ee dadka ugu nugul bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan maalmaha Ciidda Carafo.

Mu’asasada Al-Maxasin ee Horumarinta iyo Waxbarashada iyo Xarunta Gargaarka Boqor Salmaan, waxa ay xaqiijinayaan sida ay uga go’an tahay sii wadida taageerada bini’aadantinimo iyo Mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya, iyagoo raadinaya kor u qaadista iskaashiga iyo isuduwidda hey’addaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo hubiyo in gargaarka uu gaaro tirada ugu badan ee suurtagalka ah ee ka-faa’iideystayaasha.

Iskaashigaan miro dhalka ah ee u dhexeeya hay’adaha Samofalka,ayaa ka tarjumaysa sida ay Boqortooyada Sucuudigu u doonayso inay ka taageerto waddamada walaalaha ah iyo kuwa saaxiibka ah si ay u wajahaan caqabadaha bani’aadantinimo, iyo inay gargaar u fidiyaan cid kasta oo Garab u baahan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...