MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SWITZERLAND KAGA QEYB-GALAY SHIRKA NABADDA IYO GANACSIGA

Date:

Luzern, Juun 14. 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo ku saabsan arrimaha nabadda, amniga caalamiga ah iyo ganacsiga. Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay khubaro ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Nabadda Adduunka Interpeace iyo Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).

Madaxweynaha ayaa iftiimiyay dadaallada socda ee dhismaha nabadda Soomaaliya, taas oo ku salaysan aragtidiisa “Soomaaliya Heshiis ah, dunidana heshiis la ah”, waxa uuna xusay caqabadaha gudaha iyo dibedda ee weli saameynta taban ku leh dadaalladaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda in ay xoojiso dib u heshiisiinta iyo dadaallada lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyey argagixisada, kuwaas oo baahi weyn u qaba adeegyada aas-aasiga iyo isdhexgalka bulsho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey hay’adaha iyo ururada ka soo qayb galay kulankan, doorka ay ka qaadanayaan nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka, waxa uuna la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta nabadda, daris-wanaagga iyo horumarka gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaasare kuxigeenka Dalka oo saaka qaatay Kaarka Cod-bixinta Doorashada

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka beeraha iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa kormeer ku tegay degmada Hawlwadaag oo ay ka socoto kaar qaybinta

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo xalay la caweeyey bulshadda, kuna boorriyay ka qeybgalka doorashada

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan...