Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha XFS ayaa Furay ansixinta qorshaha 5-at Sanno ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Date:

Muqdisho 12, June, 2024: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta furay shirka ansixinta qorshaha shanta sano ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka oo socon doona mudo laba maalmood ah, ayaa aad loogu lafoguri doonaa qorshaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee shanta sano ee soo socota, sidii loo horumarin lahaa adeegyadda ay shacabka u hayso, ilaalinta xogta shakhsiga iyo amniga qaranka.

Wasiirka Amniga ayaa ku amaanay maamulka iyo shaqaalaha hay’adda Socdaalka, dedaalka iyo horumarka ay ka sameeyeen shaqada, isla markaana ay sii laba jiraan, isagoo intaas ku daray in hay’adu ku tallaabsatay isbedel iyo horumar lataaban karo oo ay ku dabooshay baahiyaha socdaal iyo adeegga baasaboor bixinta dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir dowlaha amniga oo kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan hawlgalka QM ee UNTMIS

Wasiir dowlaha Wasaaradda amniga gudaha mudane Maxamed Cali Xagaa...

Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo Muqdisho ka furmay

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta shir soconaya muddo labo...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxwaynaha Galmudug oo daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

Madaxweynaha Dowladda goboleed Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa...