MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO RA’IISUL WASAARAHA NORWAY OO SHIR GUDDOOMIYAY MADASHA NABADDA EE OSLO.

Date:

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO RA’IISUL WASAARAHA NORWAY OO SHIR GUDDOOMIYAY MADASHA NABADDA EE OSLO.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway, Jonas Gahr Støre, ayaa si wadajir ah maanta u guddoomiyay Madasha Caalamiga ah ee Nabadda ee Oslo Forum oo maanta ka furmay magaalada Oslo.

Madashan oo la aasaasey sannadkii 2003, ayaa waxaa lagu casuumaa ama ka soo qeybgala hoggaamiyeyaasha caalamka, dhexdhexexaadiyeyaasha colaadaha, qeybaha isku haya khilaafaadka iyo khubaro kala duwan oo halkaasi ku dersa mashaakilaadka ka jira caalamka, isla markaana taageera wadahadal iyo in la abuuro hannaan nabadda lagu gaari karo.

Madashan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiya Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Norway iyo Hay’adda Wadatashiga ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad,...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...