Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir guddomiyay kulan ay isugu yimaadeen labada heer ee DFS iyo deeq bixiyeyaasha caalamka

Date:

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir guddomiyay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen labada heer ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Nairobi, 11 June 2024: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga jihaynta nidaamka maaraynta Maaliyadda iyo Kheyraadka guud iyo xubnaha deeq bixiyeyaasha ee wadashaqaynta la leh Dowladda Soomaaliya.
Shirkaan oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta iyo taageerada hey’adaha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibada la ah Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kala shaqeeya horumarinta hannaanka Maaliyadda iyo qorshayaasha dib-u-habeynta hey’ahada dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale, waxaa shirkaan goobjoog ahaa dhammaan xubno matalayay Dowlad-Goboleedyada Dalka, gaar ahaan xubno ka socday Wasaaradaha Maaliyadda oo isugu jiray Wasiiro, Agaasimeyaal iyo La-taliyayaal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisulwasaaraha XFS oo magacaabay masuuliyiin cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka ganacsiga XFS iyo wasiirka ganacsiga Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga labada dal

Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha XFS Mudane Maxamuud Axmed Aadan...

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho...

Wasiir dowlaha wasaaradda beeraha XFS oo shir uga qayb galay Masar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane: Asad...