Wafdi uu hoggaaminaayo Ku simaha Ra’isulwasaaraha ahna Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS oo gaaray Magaalada Jowhar

Date:

Wafdi uu hoggaaminaayo Ku simaha Ra’isulwasaaraha ahna Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, qeybna ay ka yihiin Wasiirrada Beeraha, Tamarta, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar, Waxaana garoonka diyaradaha Jowhar ku soo dhaweeyey Wafdigaan Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo boqolaal shacab ah.

Ujeedka wafdigaan u gareen Jowhar ayaa ah daahfurka Mashruuca biyo xireenka Sabuun JOSP oo laga faa’iidi doono in uu hagaajiyo helidda waraab ku filan ilaa in ku dhaw 370Kun oo beeraleey ah taas oo yareen doonta barakaca isla markaana kor u qaadi doonta wax soo saarka beeraleeyda gobalka, yareeynta khataraha fatahaadaha gobolka oo saameeya ilaa 1.5 Millyan oo muwaadin.

Sidoo kale mushruucan ayaa yareyn doona saamaynta abaaraha iyo keydinta biyaha xilli roobaadka si loo isticmaalo .

Xuseen Maxamed Cali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha dhijitaalka nidaamka maareynta maaliyadda

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey...

Shirweynaha dhismaha SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo gabagaboobay

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Shirweynihii dhameystirka...