DFS oo wadda da’daallo dalka dib loogu soo celinayo dhallinyarada ku dhibaateysan Liibiyo

Date:

-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 11-ka bishan June 2024 dalka dib ugu soo celin-doonto 15 kamid dhalinyaro ku dhibaateysan dalka Liibiya, iyadoo loo diyaariyey tikidhadooda iyo waraaqihii socdaalka ay dalka ugu soo noqon lahaayeen, kuwaas oo ka-dagi doona magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi galbeed ee Soomaaliya.

Sidoo kale 25 dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed ayaa xiga doono in dalka dib loogu soo celiyo dhawaan, kuwaas iyagana ka dagi doono magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya kula kulmay koox dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo go’aansaday inay dalkooda hooyo ku soo laabtaan ka dib markii dhibaatooyin badan la kulmeen xilli ay doonayeen inay ka sii tahriibaan wadankaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirto sidii dhamaan kuwa ku dhibaateysan dalka Liibiya loogu soo celin lahaa dalka, iyadoo dhoor jeer sidan oo kale dalka loogu soo celiyay kuwa badan oo halkaas muddo ku Xayirnaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...