Maareeyaha guud ee HDRS; “ Soomaaliya waxay ku dhowdahay inay sameyso taariikh cusub.

Date:

-Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Soomaaliya (HDRS), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa ku dhawaaqay inuu dalka ku dhowyahay inuu qaado tallaabo kale oo ah horumarinta dhinaca duulista, isagoo ka warbixinnayay socdaal ay caasimadda Muqdisho ku soo gaareen khuburo ka socota Hay’adda Bedqabka iyo Amniga ee Duulista Rayidka ee Bulshada Bariga Afrika ( EAC-CASSOA).

Saraakiisha ka socota EAC-CASSOA, ayaa ujeeddda socdaalka ay muddo ka badan toddobaad ku joogaan Muqdisho waxay la xiriirta sidii ay u sameyn lahaayeen qiimeyn iyo ukuur-gelida sida ay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ugu diyaar garoobi lahayd inay marto kormeerka (AUDIT) Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Rayidka Adduunka ee ICAO.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin ayaa sheegay haddii uu dalka ka gudbo kormeerka (ICAO Audit), inay noqonaysa guul muhiimka iyo taariikh horleh oo uu dalka ka sameeyay kormeerka ICAO oo nidaamka Duulista Rayidka Qaranka aan horey loo marin, wuxuu intaa ku daray in hadda khuburada ka socota Hay’adda Bedqabka iyo Amniga ee Duulista Rayidka ee Bulshada Bariga Afrika inay gacan ka geysan doonaan sidii ay u qiimeyn lahaayeen heerka kormeerka , waxyaabaha dhiman iyo arrimaha ay tahay in la horumariyo ka hor ICAO Audit.

“Haddii dalkeennu ku baaso kormeerka iyo qiimeynta ICAO, nidaamkeenna Duulista Rayidka wuxuu gaaraya heerka ugu sarreeya ee caalamiga ah , waxayna diyaaradaha ka diiwaangashay dalka awood u yeelanayaan inaysan sameyn karaan duulimaadyo caalami ah oo ay ku tagi karaan caalamka oo dhan.” ayuu ku daray Maareeyaha guud ee HDRS , Mudane Axmed Macallin oo tilmaamay isku duubnimada dhammaan laamaha Duulista Rayidka ee dalka inay fududeyn doonto natiijo wanaagsan oo laga gaaro kormeerka ICAO.

  1. Ugu dambeyntii, Maareeyaha Guud ee HDRS , Mudane Axmed Macallin wuxuu sheegay in khuburada ka socota Hay’adda Bedqabka iyo Amniga ee Duulista Rayidka ee Bulshada Bariga Afrika ( EAC-CASSOA) baaritaannada iyo qiimeynta ay ka sameynayaan waaxyaha HDRS inay ka soo saari doonaan warbixin la xiriirta sida ay natiijo guul ah Soomaaliya uga gaari karto kormeerka ICAO ee dhinacyada bedqabka iyo amniga duulista.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...