Ra’iisul wasaaraha XJFS oo daahfuray barnaamijka “Hooyo u Hiilli Qarankaaga,”

Date:

:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray barnaamijka “Hooyo u Hiilli Qarankaaga,” kaas oo lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasillinta dalka.

Mudane Xamsa, ayaa si qoto dheer uga hadlay sida ay haweenku u yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dhisidda nabadda iyo amniga, waxuuna tilmaamay in Hooyooyinku ay leeyihiin awood gaar ah oo ay ku baraarujiyaan bulshooyinka, una horseedaan xasillooni iyo is-aaminaad.

Waxa uu sheegay in kooxaha Khawaarijta ah iyo qabylaaddu ay yihiin hooyada danbiyada iyo xumaanta, loona baahan yahay in wadajir loogu istaago ciribtirkooda, isaga oo ku adkeeyey hooyooyinka Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan sidii guryaha looga soo saari lahaa kuwa danbiyada geysanaya ee ku dhex dhuumanaya shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay haweenka Soomaaliyeed in ay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan dagaalka Khawaarijta, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar u tahay in ay taageerto haweenka, si ay u gaaraan himilooyinkooda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in hooyooyinku ay yihiin furaha horumarinta iyo badbaadada Qarankeenna. Wuxuuna ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada in ay garab istaagaan hooyooyinka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah oo horumarsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo salaadda janaasadda ku tukaday AUN  Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (NAPDA)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo soo baxday

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka...

Wasiirro ka tirsan XFS oo sagootiyay xujeydii ugu horraysay ee Soomaaliyeed ee Sanadkaan

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd garoonka...