Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA

Date:

-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay xarunta Madaxtooyada KGS ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo Maanta howlo shaqo ku gaaray Magaalada Baydhabo.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha taagan ee bani’aadannimo, sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka Koonfur galbeed iyo u diyaar-garowga sidii loo gacan qaban lahaa dadka ay saameeyaan dagaallada dalka lagu xoreynayo Khawaarijta iyo door ku lahaanshaha barnaamijyada xasilinta.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dardargalinta mashaariic loogu talagalay DG KGS oo ay hay’adda SoDMA fulin doonto iyadoo kaashaneysa Wasaradda Gargaarka KGS, mashaariicdaas oo uu maal geliyay Bankiga Aduunka, waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Hay’adda SoDMA iyo hoggaankeeda ugu mahad-celiyay howlaha ballaaran ee hay’addu dalka ka waddo, gaar ahaan howlaha bani’aadannimo ee ay ka fulisay degaannada maamulkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Afhayeenka Madaxtooyada “Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah”

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), oo magaalada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi,...

Taliyaha CXD oo dalacsiiyay ciidamadii ku guuleystay howlgalkii lagu furay waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah...