Wasiirka Warfaafinta XFS oo dalka Baxreyn kula kulmay dhigiisa dalkaas

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Manama ee caasimadda Boqortooyada Baxreyn kula kulmay Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Baxreyn Dr. Ramzan bin Abdullah Al Nuaimi.

Labada Wasiir ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada wasaaradood ee dhinacyada Warbaahinta iyo Dhaqanka, iyadoo la isla gartay in labada dhinacba ay si deg deg ah uga shaqeeyaan arrimahaas.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa u mahadceliyey Boqortooyada Baxreyn soo dhoweynta iyo martigelinta shirka 54-aad ee Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada Carabta, isagoo sidoo kale uga mahadnaqay mowqifka cad ee Boqortooyada Baxreyn ka qaadatay dhowrista , wadajirka iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa Wasiirka Warfaafinta Baxreyn ayaa carabka ku adkeeyay sida qotada dheer ee xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Boqortooyada Baxreyn iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee walaalaha ah, kaas oo ka muuqda horumar is daba joog ah oo ka tarjumaya sida ay ugu heelan yihiin labada dal ee walaalaha ah si loo gaaro dano guud.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa magaalada Manama uga qayb galay shirka Wasiirrada Warfaafinta dalalka Carabta meertadeeda 54-aad kaas oo arrimo muhiim ah oo la xiriira danaha waddamada Carabta looga hadlay.


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...