Wasiiru Dolwaha Wasaaradda Biyaha XFS ayaa ka qayb galay madashii 10 ee biyaha oo lagu qabtay Indonesia

Date:

-Wasiiru Dolwaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheeyraadka Biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii ka qeyb gashay madashii 10 ee biyaha oo lagu qabtay dalka Indonesia.

Mas’uuliyiinta uu la kulmay wasiiru dowlaha waxaa ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Agaasinka Guud ee Biyaha Waddanka Indonsia oo uu uga mahadceliyey martigelinta madasha 10aad ee Biyaha, iyo sida maamuuska leh ee loo soo dhoweeyey wafdigiisa.

Labada Wasaaradood ayaa ka wada hadlay sidii iskaashi xooggan looga yeelan lahaa arrimaha Maareeynta fatahaadda, iyo hannaanka ka faaideysiga Biyaha Roobka, sidoo kale waxaa aad looga dooday sidii Soomaaliya looga saacidi lahaa deeqaha waxbarasho ee dhinaca takhasusaadka kuliyadaha biyaha quseeya.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha ayaa kulan laqaatay Madaxa Hay’adda Qaramada midoobay ee qaabilsan qaanuunka Caalimaga ah ee Biyaha, iyagoo ka wada hadlay sidii Soomaaliya ugu biiri laheyd hay’adda qaanuunka caalamiga ah ee Biyaha iyo sidii weliba dalkeena looga xoojin lahaa diblomaasiyadda iyo Qaanuunka Caalmigaa ee Biyaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...