Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Date:

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka 3-aad ee Abuu-dujaana oo loo heystay in uu dil bareer ah u geystay marxuum Sacad Cabdi Muuse, inuu baxsad ka ahaa goobtiisa shaqo oo ah Deegaanka Shabeeloow Gobolka Galgaduud, lunsasho hanti dowladeed, Qalgal gelin Goob ganacsi, Xatooyo Xoolo Ciidan iyo Jabin Xeerka xakameynta hubka caasimadda.

Seddexdii Bisha Afaraad ee Sanadkaan 2024 kaliya muran dhinaca kala horreynta timo jare ayaa keenay in Eedeysane Daa’uud Bashiir uu madaxa xabad kaga dhufto marxuum Sacad Cabdi Muuse, Falkaan ayaana ka dhacay Degmadda Dharkenleey ee gobolka Banaadir.

Todobada bisha shanaad ee sanadkaan 2024 Maxkamdda Darajada kowaad ee Ciidamda Qalabka Sida oo Dhageysatay kiiskaan waqti ku Filanna siisay dhinacyada dacwada ayaa ugu danbeyn Maanta oo ay taariiikhdu tahay 18-kan Bisha May ee 2024 Ku xukuntay Dable Daa’uud Bashiir Coloow Dil toogasho oo ah qisaastii marxuum Sacad Cabdi Muuse.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...