Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsanayd Soomaaliya Catriona Laing oo soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyay Danjire Laing doorkii ay ka soo qaadatay taageerada dowladnimada Soomaaliya, muddadii ay ka howlgaleysay dalkeenna, taas oo xoojisay taageerada iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Dhinaceeda, Danjire Catriona Laing ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed wada-shaqeynta ay u muujiyeen intii ay ku guda jirtay gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...