Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka dalalka Islaamka

Date:

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa gaaray Caasimadda Gambia ee Banjul, halkaas uu kaga qeyb-galayo Shir Madaxeedka dalalka Islaamka.

Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda cas iyo Gacanka Cadmeed Danjire Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaare ku xigeenka XFS, mudane Saalax Axmed Jaamac oo Wakiil ka ah Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamud uu ka qeyb-galayo Shir Madaxeedka dalalka Islaamka oo maanta ka furmaya Banjul.

Shir-madaxeedkan oo goor-dhow furmaya ayaa looga hadli doonaa arrimaha siyaasadda ee saamaynta ku leh dunida islaamka si gaar ah arrinta Falastiin.

Hoggaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, waxa ay mudnaanta siin doonaan arrimaha dhaqaalaha, bani’aadannimada, bulshada iyo dhaqanka, si gaar ah arrimaha ku qotoma dhalinyarada, haweenka, qoyska, culuumta, tiknoolojiyadda, warfaafinta iyo bulshooyinka muslimka ah.

Ajandaha shirka waxaa sidoo kale lagu soo hadal-qaadi doonaa diididda hadallada nacaybka, islaam nacaybka, kor u qaadidda wadahadalka iyo sidoo kale arrimaha isbeddelka cimilada iyo sugnaanta cuntada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...