Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya oo ka qeyb galay shirweynaha Connected Africa

Date:

Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa ka qayb-galay shirweynaha Caalamiga ah ee “Connected Africa” kaas oo lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkaan ayaa ujeedadiisu ahayd in hoosta looga xariiqo kaalinta muhimka ah ee ICT ama Tiknalojiyaddu ku leedahay kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dalalka Afrika.

Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa ka mid ahaa madaxdii iyo aqoonyahanadii khudbadaha ka jeediyay kulankaas,Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa soo bandhigay istiraatijiyadda Dowalada Federalka Soomaaliya ee lagu dardargelinayo horumarinta ICT iyo guud ahaan Tiknaloojiyadda.

Waxa uuna soo hadal qaaday qaab-dhismeedka siyaasadda-sharciga ee lagu horumarinaayo Tiknaloojiyadda, gaarsiinta aaladaha Internetka qofkastaa oo Soomaali ah, ilaalinta xogta iyo sirta qaranka.

Sidoo kale waxaauu diiradda saaray adeegyada ganacsiga sida e-commerce & e-education.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...