Ciidanka Qaranka oo fashiliyey weerar Arbushad ah oo khawaarijtu ku soo qaadeen Balcad

Date:

Ciidamada Qaranka ayaa saakay fashiliyey dhagar ay Khawaarijtu u soo maleegtay shacabka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, kadib markii gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay isku dayeen inay magaalada soo geliyaan.

Ciidamada geesiyaasha ah ayaa ka hor tegay dhagartaas, waxaana meel cidlo ah ku qarxay gaarigii cadowgu damacsanaa inuu ku dhibaateeyo shacabka, kaas oo loo soo ekeysiiyey gaari rakaab ah.

Guryo ay lahaayeen dad shacab ah ayaa ku burburay qaraxaas la fashiliyey, mana jirto dhimasho ah oo soo gaartay shacabka, markii laga reebay dhaawacyo fudud oo soo gaaray saddex askari oo fashilisay dhagartaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran Tacliinta sare

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi...

Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ku dhintay buuraha fog...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...