Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan afur ah u sameeyey xubno ka socday Goleyaasha Dowladda

Date:

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa xalay xaflad afur ah u sameeyay xubno ka kala socday labada aqal ee Baarlamaanka JFS, Maamulka Gobalka Banaadir, Saraakiil ka kala socotay Ciidamada Booliiska, Nabad-sugida & Xooga Dalka, Bulshada Rayidka & Agaasimayaasha Saxaafada.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska ee Kumando Boliisiya ayaa daarnaa isku xidhka Bulshada & Hay’adaha Amaanka gaar ahaan Booliiska.

Sulub Ahmed Firin, Taliyaha Ciidanka Booliiska oo madasha hadal ka jeediyay ayaa sheegay in lagu guulaystay sugida amniga Caasimada inta lagu gudo jiray Bisha Barakaysan re Ramadaan, iminka loo diyaar garoobaya sugida Amniga Maalmaha Ciida,

Sidoo kale Taliyah Ciidanka Booliiska S.Guuto Sulub Axmed Firin ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay wadashaqaynta Booliiska & Saxaafada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...