Meel marinta afarta Cutub ee Dastuurka iyo Guullaha is daba jooga ah ee DFS

Date:

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyey afarta cutub ee dib u eegista, wax ka badelka iyo dhameystirka Dastuurka.

Tallaabadan taariikhiga ah ayaa waddada u xaareysa fulinta ballanqaadyada Dowladda ee dhameystirka tiirarka muhiimka u ah dhismaha siyaasad xasiloon oo Soomaaliya yeelato.

Guulaha muddada labada sanno ka yar ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso sida Deyn Cafinta, Qaadista Cunaqabateynta Hubka, Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, Ku Biirista Suuqa Bariga Afrika iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah waxay ka tarjumeysaa in Soomaaliya ay cagta saartey waddada horumarka, nabadda iyo barwaaqada.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay mar kale u mahad celineysaa Xildhibaannada labada aqal oo maanta muujiyay tallaabo geesinimo ah, una hiiliyey dowladnimada iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ay wakiilka ka yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...