Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga Labaad kulankiisa 3-aad ku tartamay Degmooyinka Dhoobleey iyo Xamarweyne oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Dhoobleey iyo Xamarweyne ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Dhoobleey

Tartameyaasha Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhoobleey ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Xamarweyne

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamarweyne waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 19-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 18-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Kismaayo iyo Bardaale oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Baay.

Sawir Qaade:- Muuse Cabdullaahi Cirro

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisulwasaare Xamse: In ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ayaa xoolahoodii ku waayay abaarta jirta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre...

Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga

Laba sano ka hor magaalada Roma, Shir-madaxeedkii ugu horreeyay...

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay shir madaxeedka labaad ee Afrika iyo Talyaaniga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb...