Baarlamaanka oo maanta soo afmeeraya dooda Cutubka Afraad ee Dastuurka

Date:

Doodda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ayaa maanta lagu wadaa in la soo gabagabeeyo, iyadoo Xildhibaannada Labada gole hadda wadaan ka doodista madaxa saddexaad oo ku saabsan Xisbiyada Siyaasadeed iyo madaxa Afaraad(Maamulka Doorashooyinka).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay khudbadii Jumcaha oo uu Dadweynaha Soomaaliyeed kula hadlay ku sheegay in Dastuurka la dhamaystirayo masuuliyadiisuna saaran tahay haya’addaha u xil saaran dhamaystirka Dastuurka.

Dhinaca kale Ra”iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey kulanka guud ee Affur wadareedka Sannadlaha ah ayaa sheegay in dhowaan la magacaabi doono Guddiga Doorashooyinka Qaranka si ay u guddo-galaan hawlaha Doorashooyinka loogana baaqsado firaaq dastuuri ah iyo dib u dhac doorasho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo adag ka socdeen...

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2025), oo ay...

Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa sheegay in halgankii ay...