Wasiirka Warfaafinta XFS oo si rasmi ah u furay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka, iyadoo sanadkan barnaamijka ay si wada jir ah u taaba gelinayaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS.

Munaasabad kooban oo lagu furayey Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan oo lagu qabtay Istuudiyaha Radio Muqdisho ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo xubnaha guddiga tartan cilmiyeedka Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte ayaa sheegay in tartanka uu soo socday muddo 13- sano ah, sanadkana ay noqon doonto  kii 14aad,  kaasi oo loo qabto degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka kale ee gobollada dalka oo ay sanadkan ku jiraan degmooyin hor leh.

Guddoomiyaha Bangiga IBS mudane Cabdirisaaq Cali Warsame oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin inay qeyb ka noqdaan sanadkii 4aad oo xiriira taabagelinta tartanka, isagoo guul u rajeeyey ka qeyb galayaasha tartanka.

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa xusay in ujeedka tartanka uu yahay sidii aqoon loogu tartami lahaa, isagoo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada Amniga.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi oo caawa lagu casuumay furitaanka tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka ayaa ugu horeyn bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadan,  isagoo Hambalyo u diray bahda Warbaahinta Qaranka oo sanadkii 13aad la qabanayo.

“Sanad waliba waxaa sii kordhaya degmooyinka tartanka ka qeybgalaya, waxaana degmooyinka 32da ah u rajeynayaa guul, runtii tartanka waxaa nasiib u yeeshay inay sanadkan ka qeybgalaan degmooyin horleh”. Ayuu yiri Wasiir Daa’uud.

Wasiirka mar uu ka hadlayay ahmiyadda uu tartanka u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn bogaadin u jeediyay howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta sida ay markasta uga go’antahay u adeegidda bulshadooda xilliyadan adag, waxana uu intaa ku daray in tartanka uu yahay mid clmi iyo aqoon lagu kala kororsanayo

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka hadli doona arrimo ahmiyad leh oo ku aaddan xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeyb Gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee ITF

Magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka ayaa lagu soo gabagabeeyay...

Hoggamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socoto cod-bixinta doorashooyinka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil...

Guddoomiye Aaden Madoobe oo codkiisa ka dhiibtay Baydhabo

Musharax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe,...