Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyeeyay haweenka Soomaaliya oo maanta u dabbaaldegay 8-dda marso

Date:

Madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaan haweenka dunida,gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed oo maanta u dabbaaldegaya munaasabadda  8-da Maarso oo ah maalin caalami ah.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee ay kaga jiraan horumarinta, dhaqaalaha dalka iyo samatabixinta qoysaska Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay kaalinta taariikhiga ah ee ay ka qaateen halgankii gobonnimo doonka iyo kaalinta maanta ay ka qaadanayaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa qiray in haween badan ay naftooda ku waayeen halgankii loo galay madaxbannaanida dalka iyo sidoo kale dagaalada xilligaan lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ee ku haray deegaanno kooban oo dalka ah.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu waxa uu kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed in ay halkaasi ka sii wadaan dadaaladooda ku aadan ka qeybqaadashada horumarka dalka,isagoo dhinaca kalena u rajeeyay in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...