Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo magaalada Dubia uga qeybgalaya Shirka Sanadlaha ah Hey’addaha Maaliyadda Carabta

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan dalka Isutaga Imaaraatka Carab ayaa ka qeyb galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’addaha Maaliyadda dalalka Carabta, Qeybta Horumarinta Dhaqaalaha meertadiisii 8-aad oo lagu qabanayo magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Xildhibaan Biixi Imaan Cige oo furitaankii shirka ka jeediyay qudbad kooban ayaa la wadaagay Hey’adaha Maaliyadda Carabta, Wasiirada Maaliyadda Dalalka Carbeed iyo Madaxda IMF arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay qorshihii Deyn Cafinta ee soo gaba gaboobay dhammaadka sanaddii tagtay.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Bixii Imaan ayaa xusay caqabadaha iyo samaynta dhanka dhaqaalaha ay ku yeelatay arrinta ka taagan Badda Cas oo bilihii u dambeeyay marakiibta isaga kala goosha ay weerar kala kulmeen.
Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa qudbad ka jeedisay Kristalina Georgieva oo ah Madaxa Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, waxa ay dalalka carbeed ugu baaqday in ay abuuraan fursado dhaqaale oo lagu xoojinayo hannaanka ka soo kabashada aafooyinka, iyada oo fursado looga dhigayo bulshooyinka soo koraya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...